Dhageyso:-1 Ruux oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho

Maalintii Saddexaad ayaa waxaa dagaal uu nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta oo howlgal waday iyo Milateri ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada xasilinta oo ay sameynayeen howlgal hubkadhigis ah balse ay taasi diideen kuwo Milateri ah taas oo keentay in uu dagaal dhexmaro labada dhinac.

Goobaha lagu dagaalamayo ayaa waxaa xayiran isu-socodka dadka iyo Gaadiidka,waxana la sheegay in dagaalkii maanta dhacay uu sababay khasaaro dhimasho iyo dahawac ah.

Qof ka agdhow goobta uu dagaalka ka dhacay ee nawaaxiga Tarabuunka ayaa Dalsan u sheegay in dagaalkii Maanta ay ku geeriyootay Haweeney Ganacsato aheyd halka Saddex ka mid ah ciidamadii dagaalamay ay ku dhaawacmeen.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Tarabuunka waxaa ka dhacayay dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kuwaas oo isku heystay dhul halkaasi ku yaalla.

Hoos Ka Dhageyso Codka Qofka goobjoogaha ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media