Mandera oo lagu xiray rag lala xiriirinayo Weerarkii isbuucii hore ka dhacay Mandera.

Boliska magaalladda Mandera ee W/bari Kenya ayaa sheegay inay qabteen 3 Eedeysane oo dheeri ah, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii ay Xarakadda Alshabaab dhawaan ku qaadeen Hotel ku yaalla Mandera, laguna dilay 12 qof oo aan Muslim ahayn.

Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fredrick Shishia oo ayaa sheegay in ay ilaa 5 qof u soo xireen Weerarkaasi, kuwaasi oo haatan lagu kala hayo Xarumo Bolis oo ku kala yaalla magaallooyinka Nairobi iyo Mandera.

Isagoo la hadlayey la hadlay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi  wxa uu tilmaamay inay heleen xog ku aadan sidii loo soo qaban lahaa dadkii ku lugta lahaa Weerarkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intsi ku daray iny Boliska Mandera isbuucii hore xireen mid ka mid ah Ilaaladda Hotelka Bishaaro, kaasi oo uu magciisa ku sheegay C/raxmaan Cali.

Dhinaca kale, Maxkamadda Mandera waxaa la soo taagay 33 qof oo lagu eedeeyey inay jebiyeen Bandowga Khamiistii hore lagu soo rogay magalladaasi.

28 ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegay inay qirteen Eedeymaha lagu soo oogay, waxaana midkiiba lagu  xukumay ganaax-lacageed oo dhan 5,000 oo Shillinka Kenya ama Xabsi 30 maalmood ah.

Tn iyo markii uu Wasiirka  Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery Bandowga ku soo rogay Mandera waxaa lagu xiray  In ka badan 50 qof, kuwaasi oo lagu soo oogay iny jebiyeen Amarka Bandowga.

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor