Malta: Muwaadin Soomaali oo lagu eedeeyey inuu qaniini lahaa Sarkaal Boolis oo la xukumay.

Nin magaciisa lagu sheegay C/qani Cumar C/llaahi  ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta, isagoo lagu eedeeyey inuu isku tijaabiyey inuu qaniino Sarkaal Bolis iyo inuu qof kale ku handaday mindi.

Qoraal loo gudbiyey Maxkmaadad ayaa lagu sheegay inuu Eedeysanahaasi bishii December ee sannadkii hore falkaasi ka geeystay Deegaanka Marsalfon.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha ku kacay falal Amni-darro, isla markaana uu khatar gelin lahaa Sarkaal Bolis, kadib, markii uu isku dayey isagoo sarqaansan inuu qaniino Sarkaalkaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

Garsooraha Dacwadda qaadayey waxa uu ku xukumay C/qani Cumar C/llaahi   xabsi hal sanno ah iyo ganaax lacageed oo dhan 2,000 oo EURO (€2000).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media