Malleyshiyaad hubeysan oo la wareegay Kontoroolo iyo Xiisad ka taagan Beladweyne

Ciidamada Jabhadda ah ee la Magac baxay Xaq u dirirka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay la wereegeen Saaka Kontaroolkii ugu weynaa ee Canshuuraha lagu qaado iyo banaanka hore ee garoonka magaalada Beladweyne.

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxda oo ah kuwo hubeysan ay kasoo Ruuqaansadeen degaanka Ceel-gaal oo ay horay ugu sugnaayen, waxaana lasoo sheegayaa in haatan ay doonayaan in la wareegaan qaybo muhiim ah oo ka tirsan Baladweyne.

Hogaamiyaha Malleyshiyada  Abuukar Xuud ayaa sheegay in sababta ay tahay in sidii ay kaga hortagi lahayeen Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Magaladaasi.

Tan iyo Markii maamulka Hir-Shabeelle lagu soo dhisay Magalada Jowhar ee Xarunta maamulkaasi ayaa waxaa soo baxayay qayla dhaanta kasoo yeeraysa Bulshada reer hiiraan, waxaana kasoo dhexbaxay malleyshiyo hubeysan oo sheegay in ay kasoo horjeedaan Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media