Ugu yaraan 45 Maleeshiyo ayaa lagu dilay Duqeymo Diyaaradeed oo ay Isbahaysiga Sacuudiga ΓΒ geysteen iyo Iska horimaadyo toos ah oo ka dhacay Bartamaha dalka Yemen.
Ilo Milliteri ayaa sheegay in ugu yaraan 12 Maleeshiyo lagu dilay Duqeyn lala beegsaday Galbeedka Degmadda Sirwah, halka in ka badan 20-kalena lagu dilay Koonfurta Degmadaasi.
Dhinaca kale, Telefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masiirah TV waxa uu sheegay inay Isbahaysiga Sacuudiga duqeeyeen 11 Goobood oo ku yaalla Degmooyinka Sirwah iyo Raxabah, balse, Telefishinka ma faahfaahinin Khasaarihii ka dhashay.
Colaadaha ka soo cusboonaaday dalka Yemen ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo Xoghayaha Guud ee QM uu Ergay Cusub u soo magacabay dalka Yemen.
Ergaygaaasi oo u dhashay dalka Swedish waxaa lagu magacaabaaΓΒ Hans Gurundberg,ΓΒ kaasi oo bedelay Ergaygii hore ee QM ee Arrimaha Yemen,ΓΒ Martin GirifithsΓΒ oo xilkaasi hayey muddo 3 sano ah.