Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyay  laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolkaas.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in xalay saqdii dhexe uu ka dhacay deegaanka Xeeraale ee Gobolka Galgaduud,waxaana uu u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaasi wadadaga ,iyagoona isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka ku dhintay dagaalkaasi ayaa gaaraya ilaa iyo 2 ruux ,halka tirro intaas ka badan ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Deegaanka Xeeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer horey ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media