Maleeshiyadda Xuutiyiinta oo sheegtay inay Gantaal ku duqeeyeen Caasimadda dalka Sacuudiga.

Warbaahinta Kooxdaasi ayaa laga soo xigtay inay Gantaal Balaastik ah ku duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Galbeedka caasimadda Sacuudiga ee Riyadh,  balse ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiinaya Duqeyntaasi.

Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan Fariisimadda Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku leeyihiin gudaha dalka Yemen.

Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Askari looga dilay gudaha dalka Yemen, kaasi oo qeyb ka ahaa Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee ka hawlgala dalkaasi.

Askariga la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Wakiil Raashid Maxamed Al-dahuuri, balse lama shaacin taariikhda la dilay iyo halka lagu dilay.

Wargeyska Al-imaaraat Al-yoom ayaa qoray in Askarigaas la dilay ahaa Aabe ka tegay 3 Carruur ah.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media