Maleeshiyadda Xuutiyiinta oo afduubatay Shaqaale u shaqeeya Hay’ad Samafal.

Ilaa 12 Shaqaale oo u shaqeeya Golaha Qaxootiga Norway ee NRC ayaa laga qafaashay magaalladda Xudeyda ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Dowladda sharciga ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in Shaqaalahaasi oo wada Yemeni ah dhowr maalmood ka hor la qafaashay, mana kala cadda ujeedada loo qafaashay.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AFP inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku eedeeyeen Shaqaalahaasi inay oggolaadeen inay qeybiyaan Gargaar ka yimid Isbahaysiga Sacuudiga oo ay Xuutiyiinta dagaalamayeen tan iyo bishi iMarch ee sannadkii 2015-kii.

Dhinaca kale, Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka Yemen, James McGoldrick waxa uu bishii hore sheegay in Dagaalladda ka socda Yeman lagu dilay in ka badan 100,000 oo qof oo Rayid ah.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media