Malaysia oo masaafurinayso Nin u dhashay Waqooyiga Kuurya.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi, Jeneral Maxamed Apandi Ali  ayaa sheegay in Ninkaasi oo lagu magacaabo Ri Jong Chol berrito la masaafurin doono, kadib, markii lagu waayey caddaymo muujinaya inuu ku lug lahaa dilkaasi.

Ri Jong Chol waxaa lagu qabtay Caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur bishii hore ee February 17-dii, isagoo haystay Oggolaansho Fasax Shaqo oo xilligeedii ku ekaa isla bishaasi 6-dii.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha Malaysia, Axmed Zahid Xamiidi ayaa sheegay in la kansal gareeyey Fiiso La’aanta ay Muwaadiniinta Waqooyiga Kuurya ku soo geli jireen dalka Malaysia, wuxuuna Go’aankaasi oo dhaqan geli doono bishan March 6-da.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media