Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa beeniyay Qoraal la faafiyay oo lagu sheegayay in Golaha Siyaasiyiinta Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ay heshiis la gareen isaga kuna aadan Arrinta Guddiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay in uusan jirin wax kulan iyo heshiis oo dhexmaray isaga iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland garabka Cabdi Xaashi, isla markaana Qoraalka la faafiyay uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
“Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta oo ka hadlaayay heshiis la sheegay in isaga iyo garabka Cabdi Xaashi wada gaareen.
Qoraalka la faafiyay ayaa lagu soo bandhigay is afgarad ku saabsan saddex qodob iyo qodob aan la isku afgaran oo la sheegay inuu diidan hahay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, gaar ahaan qodobka dhismaha Guddiyada doorashooyinka oo ay labada dhinac u soo dhisaan si isla eg, heshiisna lagu yahay.
Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu soo jeediyay inay lagama maarmaan tahay in shirka doorashooyinka dalka looga hadlayo uu noqdaa mid muuqaalka Midnimada JFS ka muuqdo oo ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu beeniyay Mahdi Guuleed.