Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay Warqadii ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka oo ay uga hashay arrimaha Doorashooyinka dowlad Goboleedka Galmudug.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxaa uu sheegay in War-saxaafadeedkii xalay ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha uusan laheyn wax sal sharci ah oo la daliishado.
War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook Xildhibaan Mahad Salaad ayuu uga hadlay Warka soo baxay dowladda,waxaana uu u qornaa sidan.
Sida ku cad Qodobka 142aad Dastuurka KMG: Inta laga gaarayo iswaafajinta Dastuurka ku meel gaarka ah iyo kan dawladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka dhamaan maamulada jira waxa ay sii haysanayaan awoodaha Dastuurkoodu siinayo.
Sidaas daraadeed, Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Federaalka door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. War Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe kasoo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado.
Sikastaba Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddada xilheynta Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug ay ku egtahay 4-ta Bisha soo socota ee July 2019,isla markaana ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug.