Magaalooyin ku yaalla Iiraan oo looga qaxay Roobab daadad watay

Dowladda Iiraan waxay maanta amar  ku bixisay in dadka laga so odaad-gureeyo 6 Degmo oo ku yaalla Gobalka Khusestan ee K/bari ee dalkaasi oo daadadku go’doomiyeen.

Guddoomiyaha Gobalkaasi, Qulamareza Sharayati oo ka hadlay Telefishinak Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay inay Kooxaha Gurmadka u daad-gureynayaan dadka goobo ay ku badbaadaan, o oay ku jiraan 3 Xero Milliteri.

Amarka Daad-gureyntan ayaa yimid, iyadoo laga cabsi qabo inay Roobab mahiigaan ka da’aan oo daadad wata.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu bilaabay in laga cabsi jabo inay karaarka goostaan Biyo-xireenadda oo  buux dhaafay, laguna hawlan yahay sidii loo yarayn lahaa biyaha ku jira kaydadka biyo-xireenaddaasi.

Dwoladda Iiraan waxay sheegtay in dad lagu qiyaasay ugu yaraan 70 qof ku geeriyoodeen roobabka  weli ka da’ayo guud ahaan dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media