Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah maalintii labaad siweyn looga ciidayaa Ciidul Adxa oo maalintii shalay koowaad aheyd, iyadoona dadweynaha isugu hambalyeeynayaan farxada Ciidda.
Waddooyinka waaweyn ee Caasimadda ayaa waxaa lagu arkayaa dadweyne oo isugu jira dhallinyaro, Carruur, Haween iyo Odayaal da’ ah, kuwaasi maalintii labaad Ciidaya, isla markaana isku marxabeynaya Ereyo ay ka mid yihiin ciid wanaagsan.
Caruurta oo si gaar ah ugu dhex muuqatay dadka ayaa la arkayaa iyagoo wadooyinka ordaya oo ku lebisan dhar kala jaad ah oo qurux badan, isla markaana ku ciyaaraya waxyaabo kala gedisan oo dhawaaqaya sida Bastoolado, Firimbiyo iyo qalab kale.
Sidoo kale deegaanada dowlad Goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad Maanta looga dabaal-degayaa Ciidul Adxa, waxaana goobaha loo dalxiis tago lagu arkayaa dadweyne farabadan, kuwaasi oo ku damaashaadaya.