Magaalada Caabudwaaq oo lagu aasay Afar ruux oo labo ka mid ah ay Walaalo yihiin

Magaalada Caabuwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud Xalay waxaa lagu aasay, Faarax Cumar Geelle, Xaawa Cumar Geelle, Ismacil C/laahi Geelle iyo Farxan adan diini, oo labo ka mid ah ay walaalo yihiin.

Geerida afarta ruux ayaa siyaabo kala duwan ku timid, waxaana labo ka mid ah dilkooda ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda, kaasi oo dilka kadib goobta isaga baxsaday, waxaana la sheegay in ilaa iyo hadda ay laamaha ammaanka Galmudug raadinayaan, Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida qeybta Galmudug iyo Walaashiis ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Sidoo kale Geerida labada Ruux ee kale ayaa timid kadib markii ay shil gaari galeen, xili ay u soo socdeen Aaska Labada walaalo ee Shalay lagu dilay Caabudwaaq, waxaana si wadajir ah afartooda loogu aasay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Magaalada ayaa saaka lagu Arkayaa Ciidamo aad u hubeysan oo baadi goobaya Askariga dilka gaystay, oo la sheegay inuu ku dhex-dhuumaalysanayo Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor