Magaalada Boosaaso oo loo magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.12 ku magacaabay  Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
  2. Waxaa Axmed Nuur Huruuse si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor