Madaxweynihii hore ee Somalia Farmaajo oo loo dhaariyey Xildhibaan Abadiya

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka socda kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, waxaana kulanka hortegay Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Maxamed Farmaajo.

Kulanka ayaa waxaa ajendihiisu yahay doorashada Guddoomiyaasha Guddiyada joogtada Golaha shacabka iyo dhaarinta Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowladda u dhaariyay inuu noqdo Xildhibaan Abadiya ah ah oo ku noqonaya Golaha Shacabka 277, isaga iyo Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh Maxamuud oo la dhaariyay sanadkii 2017.

Inta uu kulanka bilaaban ayaa waxaa Xildhibaano uu hoggaaminayo /raxmaan C/shakuur Warsame ay Guddoonka u gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayeen in aan la dhaarin Farmaajo, balse Cod gacan taag ah oo loo qaaday ayaa markii dambe lagu dhaariyey Farmaajo.

Qodobka 64aad farqadiisa 4 ee Dastuurka KMG ayaa waxaa uu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo Xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, iyadoo muddadii Xil heyntiisa dhammaa…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor