Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif oo tacsi u diray Madaxda iyo Shacabka Koonfur Galbeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,isagoo fariin u diray Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada reer Koonfur Galbeed.

Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii Maanta ka dhacay Baydhabo,isagoo ku tilmaamay falkaasi mid laga argagaxo,isla markaana Alle uga baryay intii dhimatay inuu u Naxariisto,kuwa dhaacawa ahna Alle u dhib yareeyo.

“Madax, Shacab iyo guud ahaan Eheladii dadkii wax ku noqdey waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh, ilaahay ha u naxariisto inta nooga dhimatay, dhaawacana alaha noo bogsiiyo’’ayuu qoraal uu soo dhigau Barta uu ku leeyahay Facebook uu ku yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shafiir Sheekh Axmed ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadan,si looga guuleysto dhammaan cadowga duulaanka ku ah Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa galabta waxaa ka dhacay Labo Qarax oo waa weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux halka dhaawacuna uu ka sii badan yahay intaasi.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor