Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay geeridii Dr. Xaawa Cabdi

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Dr. Xaawa Cabdi oo saakay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu tcasi tiiraanyo leh u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Caruurtii iyo Eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Dr. Xaawa Cabdi oo kamid aheyd dhaqaatiirta waaweyn ee kasoo shaqeeyay dalka Soomaaliya.

“Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootey Drs Xaawa Cabdi oo ahayd samafale iyo dhaqtar waqtigeeda galisay u adeegista bulshadeeda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dr. Xaawa Cabdi ayaa saakay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu xanuun Deg deg ah kusoo booday, waxaana muddo ka badan nus qarni ka soo shaqeynaysay Arimaha Caafimaadka, iyadoona lagu xasuusto Halgankii ay u soo gashay Bulshada Soomaaliyeed mudadii Dalka uu ku jiray Burburka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media