Madaxweynihii hore ee dalka Gambia, Yahya Jama ayaa xalay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Banjul, kadib, markii lagu qanciyey inuu si nabad ah uga ambabaxo dalkiisa.
Madaxweynaha oo muddo 22-sanno hayey xilka dalkaasi ayaa looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii December 1-dii ee sannadkii hore, balse waxa uu diiday inuu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha La-doortay ee dalkaasi, Adama Barrow.
Dowladaha deriska ee ka tirsan Urur-gobaleedka Galbeedka Afrika (ECAWAS) ayaa ku goodiyey inay Awood Milliteri xilka kaga qaadi doonaan Yaxye Jama, waxaana hanjabaadaasi barbar socday Wada-xaajood Diplomaasiyadeed.
Madaxweynaha dalka Guines, Alpha Conde ayaa ku qanciyey Yahya Jama inuu tanaasulo, kadib, markii uu wada-xaajood socday 2 maalmood la lahaa Hoggaamiyihii hore ee Gambia.
Diyaarad yar oo aan wax calaamad lahayn ayuuna Yahya Jama ka raacay Garoonka Banjul, isagoo uu wehliyo Madaxweyne Alpha Conda, waxayna ka degeen Caasimadda dalka Guinea ee Conakry.
Markii uu ka degay Garoonka, waxa uu u sii dhoofay dalka Equatorial Guinea, halkaasi oo masaafuris ahaan ugu nagaan doono,
Inta uusan ka ambabixin dalkiisa hooyo waxa uu ka hadlay Telefishinka Dowladda, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha la doortay inuu sida ugu dhaqsaha badan u yimaado, lana wareego Xilka Madaxweynaha iyo Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Gambia.
©Radio Dalsan