Madaxweynihii hore ee dalka Mali oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Maali Moussa Traore ayaa geeriyooday xilli da’diisu ay ahayd 83 sano, sida warbaahinta ay u sheegeen eheladiisa, waxaana geerida si gaar ah u xaqiijiyay Wiilkiisa Idrissa Traore.

Moussa Traore ayaa dalka Mali waxaa uu maamulayay wax ka badan 22 sano, waxana xilka dalkaasi uu qabtay 1968, isagoo xiligaas kula wareegay inqilaab.

Waxaa xilka laga tuuray 1991-kii, kadib markii uu wajaahy kacdoon dadweyne, waxaana taasi ay keentay in uu xilka ka dago.

Dhawaan dalkaasi Mali ayaa waxaa xilka laga tuuray Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita, kaasi oo Millaterigu xilka ay ka xayuubiyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media