Madaxweynihii dalkaasi, Beji Jayd Essebsi ayaa waxa uu saakayto ku geeriyooday Isbitaal Milliteri oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Tunis.
Madaxweynaha oo 92 jir ahaa waxa xalay loola cararay Isbitaalka, kadib, markii uu xanuunsaday, waana markii 3-aad ee isbuucyadii ugu dambeeyey ee la dhigo Isbitaalka.
Madaxweyne Beji Jayd Essebsi waxa uu ahaa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee sida Dimuqraadiga looga soo doorto dalka Tunisia, waxaanaa Xilka Madaxweynaha loo doortay sannadkii 2014-kii, kadib, Kacdoonkii Carabta ee xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Zaynal Caabidiin Bin Cali.
Waxa uu ahaa Siyaasi Rug-caddaa’ ah, wuxuuna La-taliye u ahaan jirey Madaxweynihii ugu horreeeyey dalkaasi, Xabiib Burqiiba oo ahaa Aabaha xorriyadda Tunisia ee la dagaalamay Gumeysigii Faransiiska.
Beji Jayd Essebsi waxa uu horey u soo qabtay Xilalka Ra’isul-wasaare, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Boliska Qaranka ee dalkaasi.
Waxa uu asaasay, Madaxna ka ahaa Xisbiga Nidaa Tunis (Call of Tunis Party).
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Barlamaanka Tunisia ayaa la filayaa inuu xilka Madaxweynaha sii hayo muddo 3 bilood, inta laga qabanqaabinayo Doorashooyinka dalkaasi, sida uu dhigayo Dastuurka dalkaasi.