Madaxweynihii dalka Tunisia oo geeriyooday

Zayn Al-Caabidiin Bin Cali oo ahaa Madaxweynihii dalka Tunisiya ayaa geeriyooday dhintay isagoo ah dibadjoog ah ka dib markii dibadbaxyo xilka looga tuuray,waxaana uu jiray 83 sano.

Bin Cali wuxuu dalkaas hoggaaminayay 23 sano, waxaana lagu amaanaa in uu Tunisiya ka dhigay meel xasilloon oo dhaqaale xoogaa ah haysata.

Balse wuxuu wajahayaa dhalleeceyn baahsan oo ah inuu caburiyay siyaasiyiinta iyo inuu musuqmaasuq sameeyay. Sannadkii 2011-kii, waxaa xilka ka tuuray dibadbaxayaal kacdoon sameeyay.

Xil ka tuuristiisa waxay sababtay kacdoon ku baahay dalalka Carabta oo si weyn ugu caan baxay Gugii Carabta.

Ugu yaraan tobannaan ka mid ah dalalka Carabta waxaa xilka laga tuuray madaxweynayaashii ama waxaa ka bilowday dagaal, taas oo sababtay markii dadka ay arkeen inuu dhacay xukunkii Tunisiya.

Bin Cali wuxuu u cararay dalka Sacuudiga, halkaas ayuuna ku noolaa. Maanta oo Khamiista ayuuna ku dhintay dalkaas.

 

Xigasho BBC Somali.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media