Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed ayaa galabta kulan Muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Kulankaan ayaa ka qabsoomay guriga Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore ee dalka waxaana uu ahaa kala warqaadasho guud oo mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo hogaanka Madasha ah.
Arrimaha la iska waraystay waxaa ugu muhiimsanaa sidii looga shaqeyn lahaa midnimada dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada reer banaadir, Madaxweyne Waare ayaana lagu bogaadiyey dowrkiisii shirarkii dhawaan ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxaa dhankiisa kulankan ku Wehliyey wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ee dowlad goboleedka Hirshabelle, waxaan ugu dambeyn lagu ballamay in la joogteeyo kulamada nuucaan ah.