Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis Cusub

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa Goordhow kulan ku yeeshay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana labada Madaxweyne ay heshiis ku gareen in dib loo soo celiyo xiriirkii diplumaasiyadeed ee ka dhexeeyay labada dowladood.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa kulanka kadib warbaahinta si wadajir ah uga hadlay, waxaana qodobada ay ku heshiiyeen kamid ah.

  1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)
  4. In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media