Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hambalyo diray Madaxweynaha la doortay ee Puntland Saciid C/llaahi Deni, isagoo u rajeeyay inuu alle la garab galo xilka loo doortay.
“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa shacabka iyo Madaxweynaha cusub ee loo doortay Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni, doorashadan waxay muujineysaa horumarka laga gaaray dimoqraadiyada, in doorasho xor iyo xalaal ah oo Soomaali qabsatay ay ka dhacdo Garowe”ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Puntland ay astaan u tahay dowladnimada iyo nidaamka Federaalka ee dalka ka hanaqaaday, isla markaana ay ahmiyad weyn ugu fadhiso Dowladnimada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta la doortay.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay Doorashadii Maanta ka dhacday Magalada Garoowe,isagoo xusay in ay ahayd mid xalaal ah.
Axmed Madoobe ayaa Alle ugu baryay Madaxweynaha cusub xilka loo doortay in uu u fududeeyo.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay inay garab istaagaan Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni,isla markaana ku taageeraanka gudashada xilka iyo waajibaadka culus ee Maanta loo dhiibay.