Villa Somalia oo War kasoo saartay safar MW Xasan Sheekh ugu dhoofay Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Dhabi ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed iyo Madax kale oo ka tirsan dalkaas, isagoona soo dhaweyn ballaaran loo sameeyn doono.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah Madaxtooyada, iyagoona saacado kadib ka ambabaxaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee dibadda ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud u baxay, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay 15 bishii hore ee May.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor