Madaxweyne Xasan Sheekh “Waa in loo midoobo Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo  dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor