Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo hor-geeyey Shir-madaxeedka dalalka Carabta doorka ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan walaalahooda Carbeed ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa kula kulmay madasha shirka uu ku qabsoomay hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo madaxda Ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay, isagoo uga warbixiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida ay u socdaan abaabulka wadajirka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo haatan ah Madaxa Jaamacadda Carabta Cabdul-majiid Tabuun.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdul-fataax Al-siisi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Madax kale, si uu u xoojiyo diblumaasiyadda Soomaaliya iyo xaqiijnta danaha Qarankeenna.