Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyey Telefishinka Somali Cable ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey tirada Askartii Kenyanka ee ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku dileen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Madaxweynaha waxa uu tiradda Askarta Kenyanka lagu dilay weerarkaasi ku sheegay inay u dhexeeyaan 180 iyo 200 Askari, waxayna Alshabaab horey u sheegeen inay 100 Askari ku dileen weerarkii Ceel-cadde.
Dowladda Kenya ilaa haatan kama hadlin tirada Askartii looga dilay Ceel-cadde, iyadoo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka codsadeen in la xaqiijiyo tirada Askartii kaga geeriyootay weerarkii Ceel-cadde.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu difaacay socdaalkii uu ku tegay Nairobi, oo uu Madaxda Kenya kala qeyb galay Baroordiiqa loo sameeyey Askartii lagu dilay Ceel-cadde.
“Marka ay 180 ama ku dhow 200 Askari oo loo soo diray Somalia hal maalin lagu dilay gudaha Somalia, ma aha mid sahlan†ayuu yiri Madaxweynaha oo carrabka ku dhuftay inay muhiim tahay in laga tacsideeyo Askarta Kenyanka ee la dilay.
©Radio Dalsan