Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mas’uuliyiinta Jubbaland kala hadlay xaalada Gedo

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan kula qaatay  masuuliyiinta ugu saraysa Dowlada Jubaland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubaland ku matala gobolka Gedo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo ay xasarado ka jireen sanadahii lasoo dhaafay.

Maamulka Jubaland ayaa dhawaan soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib Marka ay soo dhammaadan latashiyada bulshada gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor