Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadib wareegto kasoo baxday Xafaiiska Madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xamse ayaa hore u soo noqday Xoghayihii xisbiga Madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017, wuxuu sidoo kale soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka.

Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa Guddoomiyihii Guddiga doorashada Maamulka Jubbaland doorashadii lagu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe sanadkii 2019.

Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo, isaga oo kasoo noqday macallin iyo guddoomiye ku-xigeen. Xamse ayaa shahaada labaad ee Masters degree ku heysata cilmiga maamulka iyo maareynta, wuxuuna ka qaatay jaamacadda International Islamic University of Malaysia sanadkii 2009.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: