Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kulan gaar ah la yeelanaya dhiggiisa Museveni

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas Yoweri Kaguta Museveni.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadli doonaa arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Uganda, Iskaashiga ee ku saleysan dhinacyada horumarinta iyo amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor