Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Puntland kala dhexeeysa dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale xalin doona tabashooyin dowlad Goboleedka Puntland ka qabto dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ka wada arrin doona Arrimo kale oo gaar ah.

Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu hoggaaminayey Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe, waxaana Maanta saacadaha soo socda tegaya halkaas Madaxweynaha.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka socota Caasimadda Puntland ee Garoowe, ammaanka ayaa si guud loo adkeeyay, waa safarkii labaad saddexaad ee uu maamul Goboleed ku tegayo Xasan tan iyo markii la doortay.

Si kastaba Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor