Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba Arrin hordhigaya Golaha guud ee Q/Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Mareykanka uga qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, kaasi oo ka furmay dalkaasi.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxaa uu hordhigayaa aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo waxa loogu yeero argagixisada.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in labada qodob ee Madaxweyne Xasan hordhigayo Golaha Qaramada Midoobey ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay u amba-baxay dalka Maraykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor