• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, June 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Bulshada Rayidka

Ilhaan by Ilhaan
June 4, 2025
in Warar
Reading Time: 2 mins read
A A
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Bulshada Rayidka
971
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka.

Kulanka maanta ayaa qeyb ka ah wejiga hore ee gogol wadatashi qaran ah oo uu Madaxweynaha ku baaqay in la qabto 15ka Juun 2025, si loo dardar geliyo wada-tashiga qaran ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee horyaalla dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ka jeediyay khudbad uu ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay bulshada rayidka ku leeyihiin dhismaha dowladnimo iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.

“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay in gogosha 15-ka Juun aysan noqon doonin mid hal mar ah, balse ay noqon doonto hannaan furan oo wadatashi qoto dheer lagu dhisayo, isagoo ballan qaaday in uu sii wadi doono kulammada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulammada isdaba-joogga ah ayaa diiradda saari doona arrimaha aasaasiga u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin: dib-u-eegista dastuurka, hannaanka federaalka, doorashooyinka, iyo sugidda amniga.

Dowladda ayaa ku dhiirrigelinaysa dhammaan qeybaha bulshada in ay ka faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah, si loo helo aragti mideysan oo ku dhisan danta guud ee qaranka.

Previous Post

DFS oo Shaacisay Dilka Horjooge Sare oo Al-shabaab Ka Tirsanaa Howlgal Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

Next Post

Xujeyda Dunida oo u Guuray Mina Iyagoo Bilaabay Gudashada Waajibaadka Xajka

Ilhaan

Ilhaan

Related Posts

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Next Post
Xujeyda Dunida oo u Guuray Mina Iyagoo Bilaabay Gudashada Waajibaadka Xajka

Xujeyda Dunida oo u Guuray Mina Iyagoo Bilaabay Gudashada Waajibaadka Xajka

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Shirkii wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib u dhacay, inkasta oo lagu...

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Weerar gantaallo culus ah oo ay Iran saaka ku qaaday gudaha Israa’iil ayaa si weyn u dhaawacay xarunta cilmi-baarista ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe wado si loo xalliyo khilaafaadka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Cumaan, Cumar Badr Albusaidi, oo ka mid ah masuuliyiinta dhexdhexaadinta wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya...

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security
English News

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference
English News

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
  • Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00