Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda John Patrick Amama oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka dalkaas.

Mudane John Patrick iyo Ergada dowladda Uganda ee ka qeyb-gashay Caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal hambalyo ah iyo farriin ay ka sideen Madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.

Sidoo kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda oo kamid ah dowladdaha ay Ciidamo ka joogaan dalka, kuwaasi oo qeyb ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

John Patrick Amama oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Uganda ayaa ka qeyb galay Munaasabaddii Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor