Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dowrkii muhiimka ahaa ee Marxuumka uu ka soo qaatay arrimaha bulshada, gaar ahaan nabadeynta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Ugaasku uu door weyn ku lahaa dhismaha dowladnimada iyo isku keenista bulshada, xilliyo adag oo ay ka jireen dhibaatooyin iyo kala qeybsanaan.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Ugaas Cabdullaahi uu ahaa hoggaamiye dhaqameed firfircoon oo kaalin muuqata ku lahaa nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka, wuxuuna tusaale u ahaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee sida hagar la’aanta ah ugu adeegay dadkooda iyo dalkooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku sifeeyay geerida Ugaaska in uu Tiir weyn ka baxay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan.Wuxuu Alle uga baryay in uu marxuumka u naxariisto, janadii fardowsa uu ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadiisii uu ka baxay, iyo ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.