Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada London

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London halkaasi oo maanta uu kaga qaybgeli doono aaska boqoraddii UK Queen Elizabeth II.

Madaxweynaha ayaa ka duulay magaalada Washington DC oo uu ku sugnaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa la filayaa in duugta Queen Elzabeth II kadib uu kusoo laabto dalka Maraykanka, isaga oo imanaya magaalada New York oo uu kaga qaybgeli doonto shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Maraykanka oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka, iyo mas’uuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor