Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne Ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iney gaaren Magaalada islamarkaana aad loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii odayaasha gobolkasi uu ugu qancin lahaa iney toos uga qeybgalan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer hore u diiday wada hadalo iyo xal ka yimid dowlada federaalka,si loogu qanciyo ka qeybgalka shirkasi.

Dhawaan Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isku dayay inuu xaliyo arintan balse wuu ku soo guul dareystay kadib markii ay gogosha ka kacen odayaashii reer Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor