Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa gaaray Jabuuti & ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa fiidnimadii Caawa safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa waxaa si diirran Garoonka diyaaradaha Jabuuti ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladdaas, kadibna waxaa loo galbiyey dhinaca Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka Al-shabaab la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor