Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Qaran guddoonsiiyay Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Billad Qaran oo uu ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guddoonsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan  wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo.

“Waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti”.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho qaadatay laba maalin ku jooga magaalada caasimadda ah ee  Muqdisho, isagoona shalay ka qeyb galay munaasabadda daah-furka Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor