Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ku Adkeysanaya In Shirka Lagu Qabto Cadaado

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in Shirka Maamul u sameynta Goboladda Dhexe lagu qabto Magaaladda Cadaado.

Madaxweynaha oo weli kulamo la leh Odayaasha dhaqanka ayaa Diiday Maanta in uu dib ugu soo laabto Muqdisho kadib markii ay iska soo noqotay Diyaarad gaar ah oo isaga loogu talo galay in Lagu qaado.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Febraayo shaaciyay in Shirka Maamul u sameynta Lagu qaban doono Cadaado.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor