Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayey oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maaamulka Puntland, waxaana soo dhaweeyay Madaxda ugu horreeysa Maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, Xildhibaano, Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Puntland kala dhexeeysa dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale xalin doona tabashooyin dowlad Goboleedka Puntland ka qabto dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ka wada arrin doona Arrimo kale oo gaar ah.

Safarka Madaxweynaha ee Puntland ayaa noqday kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

About Webmaster

View all posts by Webmaster