Madaxweyne Xaaf oo xilka qaadis ku sameeyay mid kamid ah Golihiisa Wasiirada

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa waxaa xilkii looga qaaday Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Ee Galmudug.

Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo ahaa Wasiirka Qorsheynta Galmudug ayaa Madaxweyne Xaaf uu xilka qaadis ku sameeyay,waxaana xilkaas lagu amaray inuu sii haayo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta maamulkaas Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan inta laga magacaabayo Wasiir kale.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa dhammaan hay’addaha kala duwan ee Galmudug iyo cidkast oo shaqo kala dhaxeeyso Wasaarada Qorsheynta Galmudug lagu wargeliyay inay la shaqeyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradaas.

Hoos ka Akhiso Wareegtada xilka qaadista.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media