Madaxweyne Xaaf oo u ambabaxay Magaalada Nairobi

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta u amababaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusii sagootiyay xubno ka tirsan Maamulka Galmudug ee ku sugan halkaasi.

Socdaalka Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ee Nairobi ayaa ku kooban Iskaashi iyo Horumarin, isagoo halkaasi kula kulmi doona qaar kamid ah qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka.

Sidoo kale inta Kenya uu ku sugan yahay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaan hay’daha daneeya dhismaha Hay’addaha dowliga madaama Villa Somalia ay siyaasadeysay Mashaariicdii Horumarineed, tan iyo markii uu soo ifbaxay isfaham-waaga ku salaysan Fahamka Niddaamka Fadarralaynta Dalka ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media