Madaxweyne Xaaf oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweynaha Cusub ee KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo Arbacadii ku guuleystay doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

War rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa lagu yiri ” Dowlad Goboleedka Galmudug waxay si taxadar leh u soo dhaweynaysaa habka ay u dhacday doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hogaanka la doortay”.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah guddoomiyaha Golaha Iskaashiga ayaa aad u dhaliilsan dowladda Federaalka Soomaaliya,hayeeshee haatan uu taageero u muujiyay Madaxweynaha Cusub ee Koonfur Galbeed oo la sheegay inay taageerso siineysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor