Madaxweyne Xaaf oo safar qarsoodi ah ku tegay Magalada Garoowe

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Jimcihii shalay waxa uu diyaarad gaar ah ku tegay Magalada Garoowe,iyada safarkiisa uu ahaa mid qarsoodi ah oo Warbaahinta laga qariyey.

Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa ogaatay safarka Madaxweyne Xaaf ee Garoowe,waxaana la sheegay in ay ku wehlinayeen kaliya qaar ka mid ah xogheenadiisa,iyada oo uu la kulmay madaxweynaha Puntland.

In kastoo ujeedka safarkiisa qarsoodiga ah ee uu ku tegay Garoowe aan la shaacin ayaa hadana waxaa soo baxayay warar kala duwan iyo in uu dhexmaray kulan wadatashi ah labada madaxweyne maadaama xilligaan uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ahna Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa labaduba waxa ay aad u dhaliilsan yihiin siyaasada dowladda Soomaaliya,waxana kulankooda ka maqan madaxda kale ee dowlad goboleedyada maadaama uu ahaa mid qarsoodi ah.

Sikastaba Muqdisho waxaa haatan ku sugan oo shalay soo agarey labada madaxweyne Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle kuwaas oo ka yimid Nairobi,waxana wararka aan helnay ay sheegayaan in ay ku wajahan yihiin  Magalada Baydhabo oo uu ka dhacayo Shirka Amniga Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media