Madaxweyne Xaaf oo la kulmay Senator Muuse Suudi

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu kula kulmay Sanator Muuse Suudi Yalaxoow oo kamid mudanaayasha Aqalka Sare ee dalka.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweyne Xaaf iyo Suudi Yalaxoow ayaa waxaa uu ahaa mid  is xog-wareysi guud oo labada dhinac ay kaga  wada hadleen àrrimo kala duwan.

Sidoo kale Senator Suudi ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xaaf dadaalkiisa ku aadan difaacida qadiyada maqaamka Caasimadda oo kamid aheyd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tash iga ahaa ee Magaalada Garoowe ku dhexmaray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhawaan sheegay in shirkii Garoowe lagu qabtay qodobadii Madaxda ay ku fahmi weyday uu ku jiray arrinta Maqaanka Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media