Madaxweyne Xaaf oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo

Saacaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug uu gaaro Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf)

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug,waxa uuna markii uu tago magaalada Gaalkacyo uu la kulmi doonaa Bulshada qeybaheeda kala suwan isagoo kala hadli doona arimo ay kamid yihiin amniga iyo waliba dib u heshiisiinta dadka dega Waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo oo horay u wada dagaalamay.

Qaban qaabadii u dambeysay ee soo dhaweynta Madxweyne xaaf,ayaa iminka ka socota koonfurta Magaalada Gaalkacyo,iyadoona amaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media