Madaxweyne Xaaf oo Caawa ku hoyanaya deegaan ka tirsan G/Galgaduud

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axned Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray deegaanka Godinlabe Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf iyo wafdigiisa ayaa waxaa Godinlabe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada,Waxgaradka,Haweeyn,Caruur iyo Saraakiil Ciidan.

Intaasi ka dib Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu Madaxda deegaanka Godinlabe iyo qeybaha kala duwan Bulshada uga mahadceliyay soo dhaweeynta wagaansan ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga la socdo.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa maamulka deegaanka Godinlabe iyo Waxgaradka,isagoo kala hadli doona xaalada amni ee halkaas ka jirta iyo xaalada guud ee deegaanka,isagoona Caawa ku hoyanaya deegaankaas.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Maanta safar dhanka dhulka uga soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas,isla markaana waxaa la socdo Ciidamo aad u hubeysan oo badan,kuwaasi oo wata gaadiidka nooca dagaalka ah.

Ammaanka guud deegaanka Godinlabe ayaa Caawa aad loo adkeeyay.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media